Yaa Daaroodeey Haddaad Maqasho Reer Baa Dan Lahee Toloow Waa Reerkee? Qeybti 4aad.

0

MaqaalNoolaha Allaah Subxaanahu Watcaalaa uumay midba si buu wax u gartaa balse hadda waxaad moodaa binni’aadamka qaarkii in xoolaha ay dhaamaan amaba ka garasho wacan yihiin.

Dalka Soomaaliya waxa uu bur bur dhan walba ah ku jiray mudo dhan 22 sanadood marka laga reebo 6 sano oo uu dalka ku jiray dagaal Qabiil balse 16 sanadood waxaa dalka ka jiray dowladdo KMG ah.

Lix iyo tobankaa sanadood ee uu dalkeenu ku jiray Dowladdahi Ku Meel Gaarka ahaa marka laga reebo 6 bilood ee Maxamed C/llaahi Farmaajo inta kale waxaa mas’uuliyada xilalaka qabanayay rag isku heeyb ah amaba ka soo jeeda deegaanada maamulka la magac baxay Puntland amaba aan iraahdo’e beesha Kablalax iyo mid lagu qurxiyay.

aaaaa

Waa su’aal’e weli miyaad aragteen beesha Sade oo dacwad ka qabta amaba aflagaadeenaya amaba ku tilmaamaya Marwooyinka Raggan ay qabaan lanna taagan shaaricyada amaba goobaha lagu qaxweeyo amaba webside-yada ku caayaya raggaa isku heeybta kasoo jeeday ee 16 sano marin habaabinayay ummada Soomaaliyeed?  Mida kale abid miyaad aragteen dhaqanka Daaroodka Cusub Ee 2013 cid Soomaali ah oo leh dhaqankoodaa? dadka Alle abuuray kala Gobsan, waxa ayna ku kala gobsan yihiin dhaqankooda.jawaabtaa adinkaan idiin deenayaa

Waa yaab’e dadku ma waalan yihiin mise waa ay miyir qabaan? anigu sida ay illa tahay waqtigan xaadirka ah dadkan xaalkooda u daaya Waali, balase adinkuna xaq ayaad u leedihiin inaad fikirkiina ka dhiibataan, waa intaas oo aan qaldanahay aniga’e.

Aqoontu mid diini ah iyo mid maadi ahba waa qaali’e Waase yaab’e maxaa waalaya qaar kamid ah beesha Sade ee ugu bururayaan kaarkan beenta ah ee soconaya mudada gaaban anoo ulla jeeda awr kacsiga 2013 ee Yaa Daaroodeey.

Beesha Sade Maweey  Hilmaameen Taariikhda?

Beesha Sade su’aal ayaan weeydinayaa taa oo ah soo lama oran karo 1991 looma dagaalamin Daarood iyo Hawiye’e waxaa loo dagaalamay SADE iyo Soomaali ? Halkan Guji Kana Daawo Cadeeynteeda. Ilaa hadda maxaabiistan ka muuqata Video-ga lama oga halkeey jaan iyo cirib dhigeen.

Haddii aad si wanaagsan u daawato video-ga kale waxaa marag ma doonta ah oo laga marqaati kacayaa in dagaalki 1991 uu dhexmaray Sade iyo Soomaali, waxaadna ka dheehan kartaa hadalada lagu wada hadalyo”Daarood Mareexaan Kaliya Ayaa Ah”. Halkan Guji Kana Daawo Cadeeynta 2aad.

* Daaroodnimadu maxeey u shaqen weeyday marki maxaasta dagaalada ka cararyay ee isbaarada SPM u dhigatay Afgooye ilaa iyo Baydhabo Col. Axmed Cumarjees oo uu ku tilmamayay Haraadigi Maxamed Siyaad Barre? Halkan guji Kana Daawo cadeeynteeda.

*Daaroodnimadu maxeey u shaqeen weeyday marki Gedo iyo Galguduud duulaanka lagu ahaa?

*Daaroodnimadu maxeey u shaqeen weyday marki R/wasaaraha uu ahaa Dr. Maxamed C/llaahi Farmaajo waatii isaga oo ay Soomaali oo dhan doonayaan ma dooneyno lalahaa’e? Halkan Guji Kana Dhagayso Faroole Oo U Gafaya Farmaajo .

*Daaroodnimadu maxeey u shaqeen weyday waatan Khaatumo State sanadahan oo dhan dagaalka ku jirto’e oo loo garab istaagi waayay?

*Daaroodnimadu maxeey u shaqeen weyday marki maalin cad oo shaahid laga wada yahay weerarka lagu qaadayay maxaasta Leelkase iyo caro mudug?

Daarood waa hubaal in ay yihiin dad wada dhashay balse isku dan ma,ahan maantana ma ay noqon karaan sababtoo ah, bal si wanaagsan ugu fiirso dibna u raac taariikhda Daarood, Daraawiish iyo Sayid Maxamed Cabdulle Xasan marki ay la dirirayeen Ingriis cidi weerarka iyo cadowga ku ahayd lana shaqeenayay cadowga waa la yaqaan. Jawaabtana adinkaan idiin deynayaa.

Dowladdi dhexe ee Soomaaliya marki ay dagaaladu dhex mareen Itoobiya, cidi maalinki xigay Itoobiya dowladdi dhexe ee Soomaaliya usoo raacday waa layaqaan. Jawaabtana adinkaan idiin deynayaa.

Maxaa maanta keenay Yaa Daaroodeey? Maxaa Maanta Keenay Jubbland-tan lagu waashay?

Baroorta orgiga ka weeyn Sade iyo Soomaaliba waa ay ka dharagsan yihiin ujeedka ka dambeeya maanta durbaanka la tumayo iyo colaada la hurinayo, R/wasaare Cabdi Faarax Shirdoon 4-ta sano ee u dhiman waa uu dhameesanayaa Hadduu Alle idmo, beesha Sadena furinta inta lagaliyo looga carari maayo’e, fadlan adinkoon shido abuurin kaararkiina lasoo baxa ugana gudba xuduuda ileen waanu is ognahay’e.

Yaa horboodaya Jubbaland mase u dhan yihiin beelaha Daarood?

U Fiirso Maamulka lagu waashay ee Jubbaland dhamaan ragga horboodaya amaba u ololeenaya dhamaantood waxa ay hoostagaan Faroole, waxa ayna u badan yihiin ragg uu indho iyo dhago u yahay Faroole ilaa heer ay gaareen waxa ay ku tilmaameen waa calanka Jubbaland inay ka dhigaan kii Puntland oo uun leeys weeydaariyay. Hoos ka daawo Cadeeynta Calanka Puntland iyo Jubbaland inaysan waxba ku kala duwaneen.

puntland

Doqontaan garan halka lagu dilayo,dhawaan ayay ahayd marki ay ciidamada dowladda Soomaaliya ee kasoo kicitimay magaalada Ceelwaaq ee gobolka Gedo lagu tilmaamay inay yihiin kuwo ah Al Shabaab, dhinaca kalena waxaa lagu leeyahay waanu wada dhalanay Daarood ayaan wada nahay’e oo weliba lagaa dhaadhicinayaa maamul aanu wada dhisano la yiraahdo Jubbaland, waa yaaba’e dadku ma weysan caaqil calqi fiyoow oo garta waxa socda lahayn waa kuwan sidii gabar la guursanayo sacabada tumayo’e iyaga oo loo wado halki lagu dili lahaa’e?

*Mida kale Ninkan leh Yaa Daaroodeey soo ma,ahan ninki kala dilay kalana geeyay Daarood, maalinkuu rabana ma shaqeenaysaa Daaroodnimadu malinta uu doonayna makala dirayaa, dadku mawuusan lahayn caaqil caqli fog leh oo garta waxa socda?

*Alloow nimaan wax ogayn ha cadabin nimaan awoowgi iyo aabihi lagu halayn jirin waxaraha haddana ku leh Jubbaland baan taageerayaa soo iayaduna wax lala yaabo ma,ahan?

*Alloow nimaan wax ogayn ha cadaabin’e ninka kugu ornaya Garbahaareey iyo Baardheere baad qalad ku dagan tahay, haddana ku dhahaya Jubbaland aanu wada dhisano amaba aan taageerno oo sidii raxan eeyo ah la daba oradayo, war mawaan duulku aysan lahayn caaqili caqli leh oo meel fog wax ka eega oo garta waxa socda?

Gabagabadi, Duleeysiga iyo bahdilka aan Alle badin beesha Sade ee uun shaqsiyaad maalin walba badayaan ayaa waxa uu maanta marayaa in maleeshiyadi Raaskambooni looga dhigo Ergado iyo in askar ka tirsan ciidamada sirdoonka Kenya lagu yiraahdo waa wafdi ka socda IGAD ee kaalaya dhageesta amaba kaalaya wax hanoo qeeybiyaan’e, dadku ma weysan lahayn caaqil calqi fiyoow oo garta waxa socda, waa kuwan sidii gabar la guursanayo hoolasha shiraraka lagu buuxsanayo ee sacabada tumayo iyaga oo loo wado halki lagu dili lahaa’e? Halkan Guji Kana Dhagayso Ihaanada Dhacday.

Cabdi Cabdulaahi Cismaan
Kismaayo, Soomaaliya

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com