PUNTLAND NIN GO’AAN LEH IYO NIMAAN GO’AAN LAHAYNI GUUL UMA SINA.

0

Waxaan halkan ku soo gudbinayaa talo nin wayn oo wadani ah una dhashay puntland uu si nasteex ah oo kal iyo laab ah ugu bad baad sanayo dadkiisa iyo dalkiisa.waan hadlayaa waxana la hadlayaa dadkayga ee haysu gudbiyaan fariintayda tani waa codsi.waxaan rabaa in aad loo dhuuxo warka wayn ee aan haysan kari waayay.waxaan tuu jiyay maskaxdayda waxaana idiin jeexi wado cusub oo ah aayaheena hadaad i ila jaan qaadaan.

Punland waa dawlad goboleed soomaaliyeed.mudo ku dhaw 20 sanadood ayay lahayd maamul, kala danbayn iyo amaan.deegaanka ay ku fadhido puntland oo barri ahaan dhul wayn ah bad ahaana leh laba badood waxaa ku nabad galay,dadkii u dhashay goboladan iyo kuwii kayimid gobolada kale ee soomaaliyeed oo xaq uleh inay ugu noolaadaan sida dadka reer puntland,maxaa yeelay waxaanahay dad soomaaliyeed jecel soomaalinimada oo ay aad ulawayntahay.manaqaan xin iyo xasad iyo wax la kala qoqobo.waxaa intaa dheer ajinabi farabadan oo kunool puntland kuna haysta amaan,shaqo iyo ganaacsi.puntland waxaa hamigeedu yahay in ay dagaanadeeda ka shaqayso hormarkooda iyo in lahelo soomaaliya oo xasiloon oo nabad ah,sidani waa hadafka iyo u jeedada puntland.

Punland maamuladii soomaray oo uugu horeeyo aabihii puntland alle ha u naxariistee Madax Wayne Abdullahi yusuf axmed,waxa uu ahaa nin leh go aan adag tanoo cadaynaysa in uu ahaa hogaamiye.ujeedadiisii wuu gaaray,waxa uu dhisay puntland oo nidaam u yeelay,kadibna waxa uu dhisay oo nidaam u yeelay dawlad soomaaliyeed oo ah mida hada jirta oo isaga laga dhaxlay sida puntland isaga looga dhaxlay.hadkiisu soomaali oo dawlad ah ayuu haa in uu arko oo sharafleh iyo kala danbayn dawladnimo,cabdullahi gaalo iyo muslim nina waxba uuma yeerin jirin go aanka isagaa lahaa,talada ka timaad shisheeye iyo sokeeye kadib. xiligaa puntland waxay lahayd mustaqbal cad oo aan mugdi lahayn iyo isku kalsoonaan shacab iyo dawladba maadaa hoogan jiray. puntland walwal kama qabin waligeed in cabdullaahi inta lalaaluusho ama xoog loo sheegto laga yeelo shacabka puntland sidii la doono waxay ku jiiftay xoriyad taama.

Mudana maxamed cabdi xaashi ayaa xigay waxa uu ku hagay kuna waday wadadii puntland jeexatay ee ahayd isku tashi gudaha ah iyo qarankii soomaaliyeed baadi goobkiis.waxa uu ilaaliyay sharafkii iyo karaamadii puntland iyo soomaaliyaba intuu xilka hayay.waxa uu ahaa nin leh go aan oo ah in uu yahay nin hogaamiye dhab ah.intuu joogay meela cadaan iyo madaw loogama soo dhicin puntland.waxaa xigay Cade muuse oo isna halkii kasii waday oo difaacay karaamada puntland iyo dawlad nimadeeda iyo baadi goobka dawlad soomaaliyeed.cade waa guday xilkiisii.waxa uu ahaa nin leh go aan cad iyo hadal cad macnuhu waxaa weeye waa hogaamiye.

Waxaa xigay dr cabdiraxmaan faroole oo si aad u qiimo badan u bilay puntland,kana shaqeeyay isku duubnida puntland oo gudaha ah hormarka dhaqaalaha,maamul wanag iyo arimaha siyaasada dibada oo uu ku ahaa ninka koobaad guud ahaan soomaaliya.puntland waxa uu ka dhigay in ay ahaato horseedaha dawlad fadaraal ah,waxay dhawranaysay puntland xuquuqdeeda gaarka ah iyo tan soomaaliyeed si loo helo dawlad dhexe oo qancisa guud ahaan gobolada soomaaliyeed oo ku dhisan nidaamkaa la qaatay ee fadaraalka ah.sida sharciguba uusan u qabin,ma dhici jirin in puntland oo ahayd hooyadii fadaraalka in laga dulboodo oo wixii ladoono layska sameeyo puntland oo aan laga tala galin.faroole waa nin anfacay puntland iyo soomaaliyaba maxaayeelay wanin war cad oo go aan leh tan macnaheedu waxaa weeye waa hogaamiye.dadka aan rabin in run loo wada hadlo oo soomaaliya ladajiyo lahelo dawlad shaqaysa ayaa wax ka sheegi jiray hadalkiisaa cad laakiin isagaa u fiican soomaaliya waana lawada ogyahay.

GAAS

Puntland xiligii cabdiraxmaan mustaqbal ay lahayd rajayna ka qabtay in la helo dawlad soomaaliyeed oo anfacda dalka iyo dadka si caadalad ahna looga wada qayb galo nin walbaana lasiiyo xaqiisa iyo dagaan walba.puntland shacabkeedu kalsooni ayuu qabay mana ka cabsi qabin in lalaaluusho cabdiraxmaan oo shisheeye dibad iyo dal uu u soo gacan dhaafo puntland mustaqbalkeeda iyo taladeedana layska maamusho. ragaa aan soo xusay kuligood wax bay soomaamuleen waa jiraan khaladaad iyo dhaliilo mana diidani taas laakiin majirin go aan daro oo aan ula jeedo go aanka madaxwaynayaashaas ama ha ahaado mid xun ama ha ahaado mid wanaagsan muhiimku waa go aan kaasna way lahaayeen sidaas ayay puntland nabad uugu huruday ama uugu naaloonaysay zamano farabadan.Puntland aragti bay lahayd iyo u jeedo ay usocoto xiliyadaas ragaasi hogaanka hayeen. waana mahad sanyihiin dhamaantood.

Dr Abdiwali baritaan dheer,u kuur galid.higaadin iyo tixraacid xeel dheer kadib waxaan ogaaday anigu oo aanan nina waydiinaynin in imaan shihiisii hore ee puntland uu ka noqday madaxwayne inay salka ku haysay go aanka hada lagaaray oo taladii puntland laga xayuubiyay.mudo dheer meel loo soomaro waa la waayay puntland rag baa difaacayay go aan leh,aragti leh siyaaso leh oo meel ay arkaan u socda.Dr Abdiwali shaqooyinku waa farabadan yihiin waa la arkaa in uu macalin ku fiican yahay,waa la ga yaabaa in uu banki shaqaale ka noqon karo,arimahaas oo cid amraysaa jirto waa laga yaabaa laakiin maha nin xil ku taxaluqa go aano culus iyo masuuliyad umad dhan aayaheeda nin fulin kara maha.hadaba cidii waxaan galisay ayaa ninkan dhibtay,cidaasoo dan lahayd.Dr abadi wali labadii arimood ee gudaha puntland iyo fadaraalka iyo siyaasada dibadaba ee markuu yimid puntland ay ka dhisnayd,maxaa dhacay weeye markuu yimid? gudaha puntland waa jirtaa in uu wax qabtay sida goroonka diyaaradaha ee boosaaso,iyo arimo kale oo dhismayaal la xariira badanaa,waa jirtaa in uu rag dhalinyara ah keenay oo aqoon leh intaa wuu qabtay.amaankii waxba kuma soo kordhin laakiin dhib ayaaba dhacay intuu yimid xaga amaanka.Tii arimihii fadaraalka iyo geedi socodkii dhisida dawlad fadaraal ah oo dhexe oo shaqaysa iyo dhismaha maamulo goboleedyo si taa dhexe loo helo wax uu ka qabtay majirto doorkaa gabi ahaanba waa kamaqantahay puntland sida cad.iskaa wax kale oo dhulkii puntland ee ay katalinaysay puntland mudadaas dheer sida gobolka mudug qaybtiisa waqooyi,ayaa dawladii fadaraalku dhistay maamul galmudug lagu sheegay oo kamid noqday maamulada fadaraalka ee dawladu dhistay aqoon satayna arintaana waxaa ku raacay beesha caalamka ee doorka kuleh dhismaha dawlad fadaraal ah oo soomaaliyeed.

Markii shirkaa galmudug mogdisho lagu sixiixayay,dr abdi wali manaqaan meel uu jiray waa hurday.sidaa maahee wuxuu raali ku yahay dana ku qabaa khaasa washaa inay sidaa u dhacdo,caalamkuna waa og yahay,dawlada fadaraalka ee mogdisho fadhidaana waa og tahay in uu raali yahay.waayo meesha ma joogo faroole iyo cade muuse iyo ragii u daagnaan jiray qadiyada puntland iyo soomaalinimada.meesha waxaa fadhiya ganaacsade la sheer ah ragaa mogdisho fadhiya.dr gaas ma qaadankaro go aan,waayo siduu yahay macnuhu maha hogaamiye yaan la khaldamin.ma uu garankaro waxa ay tahay puntland iyo waxa ay rabto!! macnuhuba ma dhacsana meeshana ragbaa keensaday oo sahansaday ninkaan markaas ayaa la lagday puntland ogaada taas.dr gaas markii gaalkacayo ama mudug la raaciyay galguduud wax go aan ah kama qaadan,wuu aqbalay wuuna la shaqeeyaa ayadoo layahay laba maamul oo siman,hadii kale galmudug sharciyan maba noqoteen maamul goboleed waayo waa gobol iyo bar taasina nina lama soo shirtageen dawladina iskuma ceebayseen caalamkuna kuma raaceen. dad badan baan arintan ku baraarug sanayn oo aan fahan sanayn in puntland rag meel kale joogaa xukumaan ninkan lakeensaday oo uu u yahay gabaad,waxayna kolba u soo sheegaan qaabkuu shacabka puntland uugu sheekayn lahaa sidaas aad wada aragtanba.ma uu ogola in uu ka jawaabo sababta uu u ogolaaday in mudug raacdo galmudug oo ka godo puntland?

Ninka puntland ka jaray mudug hadana soo indha cad ee khaa imay puntland,ee labada waji leh mid cabdikariin uu kula shaqaysanayo kuna aqoon sanyahay iyo mid uu shacabka wax magaratada ah ee puntland uu uugu sheekaynayo,ma dawlad goboleed baa waa gobol iyo bare managaa aqbalay!! waa diidnay. macnuhu waxaa weeye go aan malaha,tani waxay keentay niyad jab iyo khalkhal galay shacabkii puntland oo aan haynin wax mustaqbal ah oo aayahooda ah.meel laga galayna garan la ilaa hada.puntland waa laga takhalusay siyaasiyan laakiin sawirkaa cabdiwali ee horyaala ayay daawanayaan meel lagu kala tagay.xaq umalaha puntland inay maanta waydiiyaan dr gaas arimo la xariira doorashada 2016 ee soomaaliya go aankeed adigu dr gaas ahaan qaadatay? maxaa yeelay ninka dhulkiisii laga fara moroojiyay maalin cad ee loola baxay galmudug ee aqbalay oo sixiixay miyaad ka sugaysaan arima soomaaliya u yaala guud ahaan in uu difaaci dan puntland? ninka shalay u yeeriyay casharka weeye ninka maantana u yeeriyay 4.5 in lagu qaybsado wax doorashada 2016 sidaa lagu galo isna sidii caadada u ahaydba sacab ayuu ku gudoomay,waana sixiixay arintaa.

SHacabka puntland go aankooda way dhiibteen,caalamka iyo dawlada fadaraalkana waa og yihiin laakiin shirkii u danbeeyay ragii fadhiyay oo uu isagu kamid yahay ayaa lawaydiiyay go aan kooda,ee lama waydiin deegaanadoodu maxay aamin sanyihiin? dawladu waxay cadaysay go aan keeda madaxwaynahaa bilaabay,oo yiri doorashada 2016 waxaa lagu dhisi aqalka hoose 4.5 kan sarana maamul goboleedyada si siman balse puntland iyo somaaliland 3 dheeri ah baan siinaynaa tix galin ahaan gaara.muhiimadu waa baar lamaanka wax dooranaya in lagu dhisay 4.5 tana marwalba madaxwayne xasan wuu sheegi jiray in sidan ay wax noqonayaan ma uu qarin jirin sidii bay noqotay waana uu aqbalay dr gaas oo sixiixay,wixii iska hadal ah oo been ah uma baahnin xaqiiqda waa sidan waadna aragtaan.dr gaas hal arin ayaa laga aqbalay oo ah in lala xaliyo wixii shacabka puntland lagu marsiin lahaa arintan isagana aan loo dareemi lahayn khiyaanadiisa labada waji ah.xalkaana waxaa loo balan qaaday in loo iman doono oo laga fujin doono kuwa ku dhagan oo isaga fahmi kara,isagana laga dhigayo miskiin taladii dadkiisa kula soo noqday!! isagu waa buundadii lagu qabsanayn puntland ogaada waana lagu guulaystay arintaan.xasuusta ninkan sababtii puntland lookeenay waxay ahayd arin la qorsheeyay,jeleeca iyo nacam le nimada dr gaas horaa loo ogaaday waana lagu dangaaray. puntland way il duuftay waa iska garan waayeen dabinkan foosha xun ee lagu maray hada.

Xalmajiraa hadaba?
Waxaad ogaataan,in dalka ingiriis qabsaday,waxaa ku weheliya reer galbeed dhamaantii,waxaa intaa dheer saaxiibada la shaqaysta oo dib u dhiska loo qoon deeyay sida turkiga.u jeedadiisu waa cadahay oo waa in khayraadka saliida soomaaliya lasoo saaro,dalkana la maal gashado oo beero laga beerto,in badaha la kiraysto oo hoteelo iyo dalxiis laga dhigto,sidaa daraadeed dawlad jilicsan oo arimahan lawadi karta yuu raadinayay wuuna helay hada.waxaana kulmay markii hore mogdisho ayaa lakeensaday rag jilicsan oo daba dhilif ah adeegaa hoose ah,laakiin waxaa dhib noqotay goboladii oo diiday in daba dhilif la hoos geeyo sida maamulka somaliland iyo puntland gaar ahaan iyo jubaland.laakiin markii la keenay dr gaas waxaa lahelay puntland,kadibna waxaa lahelay dhismaheedii jubaland kadib axmed madoobe oo bilawgii diidanaa in uu hoos tago daba dhilif hooseeya,taasoo isna hada uu hoostagay oo aqbalay sida dr gaas.sharif sikiin iyo cabdikariin hore ayay u aqbalsanaayeen arimaha socda ee hoosaynta adeege.talada hada socota iyo qorshaha dalka waxaa xukuma ninkaa ingiriis,go aanada dawlada ingiriis bay kusoobaxaan,soomaaliduna waa maqaar saar magac u yaal ah oo dalkooda marti uuga ah shisheeye doolkuyimid. dhulka puntland shiidaal baa ka buuxa markii lamari waayay geesiyadii u dhashay sida cabdullahi yusuf iyo maxamed cabdi xaashi iyo cade muuse iyo faroole ayaa hada la maray dr gaas oo la hoos geeye hoose adeega ah oo mogdisho fadhiya oo ingiirs maamusho kaasaa sixiixay sida loo qaybinayo shidaalka iyo soosaaridiisaba ma jirto wax soomaali iyo puntland ay kuleeyihiin talo iyo tusaale midna.kol haday sidan tahay oo dr gaas hada ingiriis ugu imanayo puntland si isaga loo bad baadiyo maadama uu shaqo fiican u qabtay ingiriis iyo adegihiisa xasan macnuhu waxaa weeye in layiri markaan hawsha dhamayno ku dheh hade taladii waa idinku soo ceshee idinkaa puntland ahaan gaaray go aanka ah in aan raacno wixii dawladu gaartay mogdisho!! sidan ayay noqonaysaa ogaada.

Majirto talo iyo wax danbe oo looga baahan yahay puntland,maadaama lahaysto wixii looga baahnaa go aankuna dhacay oo hada lagu soconayo wadataas cid u joojinaysaana aanay jirin. puntland way gashay heshiiska ogaada ha shakiyina. waa laydin silcinayaa,laydinku ciyaarayaa wax kale meesha mayaalo.waxaana halkaa idin dhigay dr gaas iyo puntland oo iska qaban wayday marhore arki wayday nasiib daro.xalku waa 4 mid uun warku waa kooban yahay buuqna looma baahna arintu waa mid khidadaysan oo hore loo qorsheeyay oo dr gaas oo adeegaa hoose ah yaa laydiin maray hadaatihiin puntland. xalku waa sidan

1.IN PUNTLAND KA GODO SOOMAALIYA CID NAQASBI KARTAANA MAJIRTO WAA HADII LADIIDAY TAAYADII SIDA CAD.(markii nala tirtiro dhulka puntland cidii doonta ha qaadato anagoo gabari naga nooshay se maya waa ognahay ingiriis dhulbuu lee yahay kan anagaa leh).

2.INGIRIIS IN LALA GALO SHIRKA OO KALIYA IYO PUNTLAND OO KALIYA WAAYO GO AANKA MOGDISHO INGIRIIS BAA LEH,HADUU KIISKA ISKA WAALO OO YIRAA DAWLADA SOOMAALIYEED BAA LAHAYD GO AANKA EE BARRI BAAN KA AHAY ANIGU,MARKAA WAXAA WEEYE MAHAD SANID ADIGU ANAGAA DAWLADAYADA KALA HADLEEYNE WAANA ARIN U YAALA SOOMAALIDA DHEXDEEDA, ANAGAANA LEH DALKAYAGA AAYO KA TALINTIISA KABAX DHEXDAYADA WAXAN KU HESHIINO AYAA DAN U AH DALKAYAGA. MAHA MIYAA AAN KAWADA HADALO HADE SIYAASADA IYO SHIDAALKA MAXAAD NOOGA MEERAYSAN!!.yaan layeelin dawlad fadaraala la fariista marnaba adoo heli kara kii soo diray adeegaa la fadhiisigii waa maxay? taa yeeli mayno weeye. in ingiriis soomaali isu daayo iyo in uu isagu na horfariisto oo aan go aan wada gaaro maxaa ka dhexeeye aqliba maha wixii intaa kabadalan.waana ku jiraa kumana jiro nin yeelaya malaha adeer.Anagoo dhan dr gaas mawada nihin.

3.Waxan oo dhami dr gaas bay salka ku hayaan,caro waa dhooqeeyay ninkaani waxaa ka wayn aayaha puntland iyo masiirkeeda si rag laysaga dhacsho waa in dr gaas la tuuraa deedna soosoco layiraahdaa ninkii raba puntland.dr gaas oo meesha ka baxaa heshiis yadii oo dhan baa buraya ogaada iska tuura musiibada loo soodiray puntland halaageeda. dr gaas aqligalba maha in uu sii joogo puntland waaba bahdilaad iyo dadnimo xumo saamaynaysa puntland mar labaad.waa in uu baxaa gar iyo gardaraba gaas oo sababtan lahaa haleeshay puntland maanta.

4.Markii ingiriis idiin yimaad oo huwan shaati beesha caalamka,waxaad marka ugu horaysa siisaan isaga hadalka iyo in aad ka dhagaysanaysaan waxa uu udiinku yimid oo uu wado isagu,maha ii warama maxaad tabanaysaan.ku celiya hadalka in uu cadeeyo isaga iyo beesha caalamka uu leeyahay waa wataa waxay qabaan oo go aan kooda ah. markuu cadeeyo in dawlada fadaraalka soomaaliya ay qaadatay go aan ah waxa layeelayo 2016 ka aayaha soomaaliya anaguna beesha caalamka ahaan waa ku taageeray go aankaas markuu sidaa yiraahdo. istaaga sacabiya dhaha anana puntland ahaan waa qaadanay dawladayadana waa ku taageeray.hadal danbe yaan loo celin hala sooro hana lageeyo garoonka. wax siyaasad ah yaan laga hadal danbe arintaa waa xirantahay. waayo anigu nin wayn baan ahay mufakar ah waxaan arkaa sheeko dhamaatay oo go aan rag ka qaatay.shaqsiyana laba mid unbaan qaadan lahaa qodobka 2 aad iyo gaar ahaan kan 4 ayaan qaadan lahaa.ragii imatalayay ayaa igabay yaan eedi. puntland waxa horyaala go aan waxaan ku adkaynayaa jawaabtiinu ha ahaato oo kaliya sacab wax baan arkaaye ila arka.talo danbe iima harin anigu waxaan qaatay in aan sacabiyo oo kaliya markaan darsay xaalada iyo waxa socda. nin baa laga sheegay GAR DABADEED GII GIIDAAN NACAY!! kol hadii putland go aan aysan lahayn sida ka muuqata hade cidii go aan leh unbaa guushana leh taasana mudan in la raaco hadii ay dacar ka kharaartahayna.waa maxay go aan daradani!!!!.?
W/Q:Yuusuf Cumar
Mashruuc5@hotmail.com