AKHRISO:- Maxay ka Wada hadleen Ra’iisal Wasaare Xamse iyo dhiggiisa dalka Kuwait?

0

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, oo khadka teleefonka kula hadlay Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Kuwait, Sheekh Dr. Maxamed Sabaax Al-Salem Al-Sabaax, ayaa waxay ka wada hadleen xoojinta xiriirka taariikhiga ah iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dal ee walaalaha ah.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa dhiggiisa dalka Kuwait ugu hambalyeeyay masuuliyadda culus ee loo igmaday, isagoo u rajeeyay in Allaah uu ku guuleeyo xilka.

Waxaana Ra’iisal wasaaraha uu hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay xoojinta iskaashiga labada dowladood ee Soomaaliya iyo Kuwait.

Dhinaca kale , Ra’iisal wasaare Xamse ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda UK u fadhiya Soomaaliya Mike Nithavrianakis, oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dal.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa dowladda UK uga mahadceliyay taageerada ay siiso dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed iyo is garab taagga ilaalinta madax-banaannida, gobannimada iyo midnimada dhuleed iyo shacab ee Soomaaliya.