AKHRISO:- Jabhadda Oromada Itoobiya oo ka hortimid damaca Abiye Axmed ee Badda Soomaaliya

0

Jabhadda Xoraynta Oromada ee Itoobiya OLF ayaaka hor timid damaca Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Abiye Axmed oo uu ku doonayo Soomaaliya, kaas oo ay ku tilmaameen in uu yahay mid sharci darro ah oo uu ku marin habaabinayo shacabka Itoobiya.

War qoraal ah oo ay soo saartay Jabhadda Oromada ayay ku sheegtay tallaadbada Abiye Axmed inay tahay mid indhaha caalamka looga qarinayo xaaladda dhabta ah ee ka taagan dalka Itoobiya, taas oo ah mid qatar wayn leh.

Sidoo kale Jabhadda xoreynta Oromada ee dalka Itoobiya ee loo soo gaabiyo OLF ayaa sheegtay in ay si buuxda u ixtiraamayso madax bannaanida dhuleed ee Soomaaliya.