AKHRISO:- Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Saraakiisha Ciidanka Xoogga dalka

0

Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Mudane Xasan Sheikh Maxamuud ayaa maanta booqday Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxaana ku soo dhaweeyay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Jeneraal ibraahim Sheikh Muxudiin Caddow.

Taliyaha Ciidanka Xooga dalka Soomaaliyeed Jeneraal ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud warbixin ka siiyay xaalada dalka iyo dagaalka ka dhanka ah kooxaha Argagixisada ah iyo sida ciidamada XDS Soomaaliyeed ay diyaar ugu yihiin Dagaalka ka dhan ah Alshabaaab .

Madaxweyne Xasan sheekh ayaa sidoo kale warbixino ka dhageystay Saraakiisha Ciidanka, waxa uuna kulan guud uu la qaatay Taliyaasha Ciidamada Badda, Cirka, Taliye ku xigeenka Ciidamada dhulka Xooga dalka Soomaaliyeed iyo saraakiil kale.

Shirka guud ee MadaxweynahaJamhuuriyada Federaalka Soomaaliya uu la qaatay Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxaa goob joog ka ahaa Saraakiisha, Madaxda hogaanada iyo Taliska guud ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.