Akhriso:- Jadwalka doorashada Madaxweynaha Puntland iyo shuruudaha musharixiinta

0

Guddiga Doorasha Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka dowlad Goboleedka Puntland ee saaka la magacaabay ayaa soo saaray Habraaca iyo Shuruudaha Doorashada hoggaanka sare ee Puntland.

Shuruudaha Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka ee la shaaciyay waxa kamid ah in Musharraxa da’diisa aysan ka yarayn 40 sano iyo in aanu Xukun Maxkamadeed ku dhicin shantii sano ee u dambaysay.

Sidoo kale Guddiga ayaa shuruudaha ku daray in in qofka u tartamaya xilka Madaxweynaha Puntland laga doonayo ila 30,000 oo Dollar halka Madaxweyne kuxigeenka laga rabo 15,000 oo Dollar.

Hoos Ka Akhriso Warsaxaaafadeedka Guddiga doorashada Puntland