AKHRISO:- Taliska Ciidanka Xoogga dalka oo dhiirageliyay Ciidamada Farumaha ku sugan

0

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka, Jeneraal Ibraahim Sheekh Muxudiin Cadoow , ayaa kormeer dhiiri-gelin ah ugu tegay Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa difaaca deegaanka ee ku sugan deegaanka Cadcadey ee Gobolka Sh/dhaxe .

Taliyaha ayaa ugu horrayn warbixin ka dhagaystay saraakiisha hoggaaminaysa xoogga dalka ee ku sugan deegaanka cad cadeey ee gobolka shabeellada dhexe , waxa uuna taliyhu ku bogaadiyay sida hufnaanta leh ee ay u gudanayaan waajibkooda qaran ,waxa uuna kula dar daarmay ineey laba jibaaraan shaqada wanaagsan ee u haayaan qaranka soomaaliyeed.

Waxaan dhaarta u marnay oon kulaylka iyo qaxarka u joognaa waa difaaca dadka soomaaliyeed ayuu yiri taliyaha ciidanka ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed ibraahim sheekh muxudiin cadoow.

Taliska ciidanka xoogga dalka ayaa wada dadaalo lagula dagaalamayo Alshabaab .