AKHRISO:- Muxuu Madaxweyne Sheekh Shariif ka yiri Heshiiska Itoobiya & Soomaaliland?

0

Madaxweyne hore Shariif Sheekh Axmed ayaa Cambaareeyay Heshiiskii ay magaalada Adis Abababa ee dalka Itoobiya ay ku gaareen Madaxweynaha Soomaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiye Axmed.

Qoraal oo uu soo qoray Madaxweyne Shariif ayaa u qornaa sidaan:

Heshiiska sharci darrada ah ay wada gaareen RW Itoobiya iyo Madaxweynaha Somaliland, wuxuu xad-gudub ku yahay madaxbannaanida Dalkeenna wuxuuna ka hor imaanayaa qawaaniinta Adduunka.

Dowladda Itoobiya waxaan ugu baaqaynaa in ay ilaaliso deris wanaagga iyo xiriirka wanaagsan ee ka dhaxeeya labadeenna Dal.

Waxaan ugu baaqaynaa shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan in ay u midoobaan ilaalinta midnimadooda, Karaamadooda iyo Kheyraadka Dalkooda.

Ugu dambeyn Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaan ugu baaqaynaa in ay arintaan ka soo saarto go’aan deg deg ah oo ay ku caddeyneyso mowqifkeeda iyo waxa ay kala socoto heshiiskaas sharci darrada ah ayuu yiri Sheekh sharif Sheekh Axmed.