AKHRISO:- Maxkamad Xukun ku riday Xubin ka tirsan Alshabaab

0

Ibraahim Cusmaan Macalin Abiikar ayaa loo soo xiray ka mid ahaanshaha Alshabaab isagoo u qaabilsanaa Qeybta Qaraxyada iyo kala gudbinta Agabyada ay u baahanyihiin isagoo isticmaali jiray Mooto Fekon.

Waxaa deeganka Dugaandug ugu yimid Daahir oo isna ka mid ahaa Alshabaab una sheegay in uu wado qarax ayna rabaan in uu geeyo magaalada Baydhabo, Bartilmaameedkuna uu yahay goob dadka isugu yimaadaan.

Waxa uu soo qaaday Daahir iyo Miinadii waxa uuna ku aasay Kaam Xagarka Buush ku yaala,

Waxaa halkaa ku geeriyooday Sadax Qof halka Lix kalana ay ku dhawacmeen.

Ciidanka Ha’adda Nabad sugida ayuu u soo gacan galay Ibraahim Labo iyo labaatankii bishii July ee sanadkii hore, halka Daahir uu wali fakad ka yahay gacmaha laamaha sharciga.

Baaris dheer kedib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada ayaa Maxkamadda ka codsaday qaadista kiiska Ibraahim, waxaana laga ogolaaday Sagaal iyo Tobankii bishii December ee sanadkii tagay.

Fadhiyo kala duwan ka dib Garsoorka Maxkamadda ciidamada oo siiyay muddo ku filan dhinacyada dacwadda sidoo kalana dhageystay qaar ka mid ah dhibanayaasha kiiskan ayaa ugu danbayn maanta go’aan ka soo saaray Galka Ibrahim Cusmaan Macalin Abiikar, waxa ayna Maxkamadda ku xukuntay Cimrigaa haku furto [xabsi daa’in] , sida uu warbaahinta u sheegay Garsoore Gaashaanle Sare Aadan Abuukar Maxamed wakiilka Maxkamadda Ciidamada Qaybta Lixdanaad.