AKHRISO:- Madaxweyne Xasan Sheekh : Cid Awood u leh ma jirto in ay bixiso Cad ka mid ah badda Soomaaliya

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya M Xasan Sheekh Maxamuud oo hortagay fadhi degdeg ah oo uu isugu yeeray Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa soo bandhigay mowqifka shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ee ku aaddan heshiiska aan sharciga ahayn ee Addis-ababa ay ku kala saxiixdeen Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya iyo Madaxweynaha Somaliland.

Madaxweynaha oo dul istaagay taariikhda qotadadheer ee ka dhaxaysa Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa xusay in aragtida ay qaateen shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ee ku dhisan nabadda, daris-wanaagga iyo wada-noolaanshaha aysan ka dhignayn in aan nahay dad si fudud lagu qaadan karo dhulkooda iyo baddooda.

“Dadka Soomaaliyeed si dhab ah ayey u qaateen in ay colaadda ka jeestaan oo qaataan nabad, daris wanaag iyo wada-nolaansho, waana midda aan ku keennay halkudhigga aan maanta haysanno ee Soomaali Heshiis ah, dunidana heshiis la ah, duniduna waxay ka bilaabata dariskeenna. Itoobiya xumaanteeda, burburkeeda iyo kala-qeybsanaanteeda kama aanan shaqeyn, annagoo waliba haysanna asbaabo badan oo dad badan ay jeclaan lahaayeen in aan uga shaqeyno”.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay khatarta ka dhalanaysa tallaabada qar-iska-xoornimada ah ee uu qaatay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, waxa uuna ka digay caawaqib xumida amni iyo bulsho ee gobolku uu ka dhaxlayo.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa xusay taariikhda gumeysi la dirarka ee dadka gobollada Waqooyi iyo sida ay uga digtoonaayeen dhagarta shisheeyaha, waxa uuna ugu baaqay jiilasha maanta in ay kala saaraan duurafaha siyaasadeed ee aan joogtada ahayn iyo masiirka jiilasha danbe.

“Taariikhda walaalaheenna Waqooyiga Soomaaliya waxaa ku jirta in qarniyo hore ay diideen in gumeystaha carruurtiisu ay ku dhalato dalka. Heshiisyada ay galeen waxaa ka mid ah in haweenka gumeystaha ay ku soo dhalaan dalka dibaddiisa, si aysan u sheegan barri xuquuqda dalka. Waa taariikh hore oo Maqaar (Harag) ku qoran. Maanta haddii ay noolaan lahaayeen maxay dareemi lahaayeen? Maanta qarniga 21-aad Awooweyaashaas, qaar ka mid ah carruurtoodii haddii ay leeyihiin dalkii baan gobol ka mid ah bixinaynaa haddii ay maqli lahaayeen in uu wadnuhu istaagi lahaa baan u malaynayaa”.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bogaadiyey sida dadka Soomaaliyeed ay ugu taagan yihiin difaaca dalkooda, aysanna u aqbalayn in taako ka mid ah cid kale qaadato, iyagoo ku shaqeynaya himilo horumarineed iyo midnimo.

“Cid awood u leh in ay bixiso cad ka mid ah dalka Soomaaliya ma jirto. Awooweyaasheen baa diiday, aabeyaasheen baa diiday, hooyooyinkeen iyo adyeeyayaasheen baa diiday, annagaa intaan nooleyn diiday. Sina suurta gal kuma ahan inta yarta ah ee Soomaaliyada aan maanta haysanno oo aan waliba hoosta ka qabno inbadan aa naga maqan oo anan ahayn in ay naga maqnaato, haddana aan ku ballanay in aan intaan horumarsanno, nabadeyno, dadka ku nool iyo deegaannadeen aan qurxisanno aan ku balannay, maanta in cad ka mid ah uu baxo ma ogala dadka Soomaaliyeed, meel kasta oo ay joogaan ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh ”.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu baaqay Dowladda Itoobiya in aynu nabad ku wada noolaanno, gaar ahaan, xilligan oo duruufo adag ay ka taagan yihiin Geeska Afrika, kuwaas oo ay ka mid yihiin isbeddelka cimilada iyo& la dagaalanka Alshabaab .