AKHRISO:- Gudiga Gudoonka doorashada Puntland oo la magacaabay

0

Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Wakiilada Puntland Xasan Cabdalla Xasan ayaa magacaabay Guddiga Doorashada Guddoonka Baarlamanka.

Warqad uu soo saaray Guddoomiyaha KMG ah ee Baarlamanka cusub ayuu ku magacaabay Guddiga Doorashada Guddoonka Golaha Wakiilada oo ka kooban 7 xubnood.

Xildhibaan Cabdiweli Yuusuf Warsame ayaa Guddoomiye looga dhigay Guddiga Doorashada Guddoonka Golaha Baarlamanka sida ku cad Warqadda magacaabidda.