AKHRISO:- Dawlada Soomaaliya oo u yeertay Danjirihii u Fadhiyay dalka Itoobiya

0

Danjiraha Soomaaliyau Fadhiyay dalka Ethiopia Cabdullaahi Maxamed Warfaa ayaa maanta si rasmi ah uga amba bixi doona Addis Ababa isagoo ku soo wajahan Soomaaliya Magaalada Muqdisho, kadib go’aankii ka dib go’aan kasoo baxay Golaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Go’aankaas oo salka ku haya in Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay u aragto tallaabada ay qaaday Dawladda Ethiopia mid xad gudub weyn ku ah madax banaanida Soomaaliya, isla markaana ay carqalad iyo xasilooni darro u horseedi karto Gobolka Geeska Africa.

Jamhuuryadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u caddaysay inay si buuxda u difaacayso dalkeenna iyo dadkeenna Soomaaliyeed.