AKHRISO:- Somaliland oo billaawday heshiisiinta Beelo ku dagaalamay degmada Ceelafweyn

0

Wafdiga Wasiirrada ahaa ee howlaha Nabadaynta u Joogay Degmada Ceel Afweyn ee Gobolka Sanaag ayaa kulan la qaatay Cuqaal iyo Salaadiin howlaha xoojinta nabadda u Joogay Degmadaas.

Wasiirada oo uu wehliyo Guddoomiyaha Gobolka Sanaag Axmed Cabdi Muuse ayaa kulan la qaatay ergooyinka hawlaha Nabadaynta u jooga degmada Ceel afweyn, iyaga oo ku bogaadiyay ergooyinka Nabada ee ku sugan degmada Ceel Afweyn howlaha shaqo ee ay wadaan , waxayna ku dhiiri-geliyeen in ay halkaas kasii wadaan si loo dhiso nabad iyo xasilooni cago adag ku taagan .

Dhawaan degaano hoostaga degmada Ceelafweyn ayaa waxaa dagaal geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac uu ku dhexmaray laba maleeshiyo Beeleed, kuwaas oo isku heysta dhul ku yaalla degaankaas.

Colaada degaannada katirsan gobolka Sanaag ayaa soo laab laabatay, iyada oo Somaliland ay xal ka gaartay, balse dagaallada ay noqdeen kuwo halkaasi ka sii socda oo wax laga qaban waayay.