AKHRISO:- Maxaa looga hadlayaa Kulanka Maanta ee Xildhibaannada Golaha Shacabka?

0

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa lagu wadaa in maanta oo isniin ah ay mid kamid ah kulamadooda caadiga ah ku yeeshaan Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho.

Guddoonka Golaha Shacabka ayaa xalay Xildhibaannada ku wargeliyay in uu jiro kulanka Golaha Shacabka ayna kasoo qeyb galaan, sidoo kalena waqtiga ilaaliyaan.

Ajandaha Kulanka Maanta ee Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa waxaa uu yahay:

Akhrinta 1aad Hindise Sharciyeedka Xeerka Shaqada Soomaaliyeed
Akhrinta 1aad Hindise Sharciyeedka Ilaalinta iyo Taakuleynta Barakacayaasha
Qeybin:

A) Warbixinta Akhrinta 2aad ee Xisaab Xirka Miisaaniyad sanadeedka 2022
B) Hindise Sharciyeedka Dib- u eegista Sharciga la- dagaalanka Burcad badeedka iyo ka hortaga Afduubka ee sharci Lr 36, 30 April 1975
Sabtidii todobaadkaan Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa waxaa ay ka doodeen Hindise sharciyeedka Aas-aaska Ciidanka heeganka Bariga Afrika, kaas oo la filayo inay dhawaan ansixiyaan.