AKHRISO:- Maamulka Jubbaland oo soo bandhigay Ciidamo ka qeyb qaadanaya sugida amniga Kismaayo

0

Madaxweyne ku xigeenka Labaad ee Jubbaland Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud oo uu wehelinayo Wasiirka Wasaarada Amniga Gudaha Jubbaland Sareeye Gaas Yuusuf Xuseen Cismaan ayaa tababar usoo xiray Urur cusub oo kamid noqonaya Ciidanka Madaxtooyada Jubbaland kuwaas oo bilihii lasoo dhaafay qaadanayey tababar kala duwan.

Ciidamada ayaa qaatay tababar adag oo isugu jiray Tabaha iyo Xeeladaha looga hortago weerarada Al-Shabaab iyo sidoo kale qaabka loo ilaaliyo ammaanka masuuliyiinta iyo xarumaha muhiimka ah sida Madaxtooyada Jubbaland.

Muddadii ay Ciidanka cusub tababarka ku jireen ayaa waxaa ay kororsadeen xirfadaha lagama maarmaanka u ah ciidan sidan oo kale muhiim u ah.

Madaxweyne ku xigeenka Labaad ee Dowlad Goboleedka Jubbaland Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud ( Lugadheere) ayaa ciidamada u sheegay in looga baahan yahay inay gutaan waajibaadkii loo tababaray.

Wasiirka Wasaarada Amniga Gudaha Jubbaland Sareeye Gaas Yuusuf Xuseen Cismaan ayaa dhankiisa sheegay in tan looga maarmi karo in ciidamo shisheeye ay ilaaliyaan amniga xarumaha muhiimka ah ee maamulka jubbaland.