AKHRISO:-Duqeyn lagu dilay Saraakiil katirsan Al-Shabaab oo ka dhacday Shabeellaha Hoose

0

Saraakiil iyo Xubno ka tirsan Al-Shabaab ayaa lagu dilay howlgallo qorshaysan oo ay iska kaashadeen Ciidanka Dowladda Soomaaliya iyo saaxiibada caalamka kuwaas oo ka dhacay goballada Shabeellaha Hoose iyo Mudug.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in Howlgalka hore oo ka dhacay deegaanka Nuun-Garre oo hoos taga degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose lagu dilay laba hSarkaal oo kala ahaa, Cumaraani Maxamed Malaaq oo ahaa Sarkaalkii deegaanka Bariire iyo Sarkaalkii lacagaha uga qaadi jiray Al-Shabaab dadka beeralayda ah kaasi oo lagu magacaabi jiray Saabir.

Labada Sarkaal ee la dilay ayay Wasaaraddu sheegtay inay ahaayeen dembiileyaal si wayn loogu raad joogay, kuwaas oo loo haystey gabbood fallo ay u gaysteen shacabka Soomaaliyeed.

Dhanka kale howlgal aad loo qorsheeyay oo ay iska kaashadeen Ciidanka Qaranka iyo saaxiibada caalamka ayaa lagu dilay toddobo ka mid ah Al-Shabaab kuwaas oo lagu bartilmaameedsaday fariisin ay ku lahaayeen duleedka magaalada Caad ee Gobolka Mudug.

Dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa shacabkeeda iyo saaxiibada caalamka ayaa waxaa ka go’an ciribtirka Al-Shabaab oo weli ku sugan meelo kamid ah dalka Soomaaliya.