AKHRISO:- Tartanka kubada cagta Dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir oo Hakad la geliyay

0

Xiriirka kubadda cagta Soomaaliyeed ayaa shaaciyay in la hakiyay muddo laba maalmood ah tartanka kubada cagta dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir ee maanta furmay.

Qoraal ka soo baxay xiriirka kubada Cagta ayaa u qornaa sidaan:

Guddiga Farsada Iyo Tartamada Ee Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed , Iyo Wasaaradda Dhallinyarada Iyo Cayaaraha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya .

Waxay Raaligelin Buuxda Siinayaan Dhamaan Taageerayaasha Tartanka Dowlad Goboleedyada Iyo Gobolka Banaadir Iyo Dhamaan Bagdad Sports ka Ciladihii farsamo Iyo Daaha Cayaarta Galabta Ku Timid , Sidoo Kale Waxay Si khaas uga raaliginayaan Taageerayaashii Galabta U Saamixi Weysay inay Daawadan Tartanka Ayaga oo Tikityo Soo Jartay.

Ugu Dambeyn Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed Waxa uu idin Ku Wargelinayaa in Cayaarta Beri Ee Banaadir VS Koonfur Galbeed dib loo dhigay lana Cayaari Doono Maalinta Isniinta 1da Janaayo 2024.