AKHRISO:- Deni oo kasoo horjeestay Go’aanada kasoo baxay Isimada Dhaqanka

0

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa siweyn uga soo horjeestay Go’aankii xalay ka soo baxay isimada dhaqanka Puntland ee lagu go’aamiyay in doorashada lagu galo 49 xildhibaan lagana reebo Xildhibaannada laga soo doorto degaannada SSC Khaatuma.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in Madaxweyne Deni uu kulan deg deg ah la qaatay guddiga xallinta Khilaafaadka doorashada Puntland, isaga oo ku amray in aysan dheg jalaq u siin go’aanka isimada oo uu ku tilmaamay mid dastuurka baal-marsan.

Sidoo kale uu Guddiga u sheegay in aysan jirin wax isbeddel ah oo lagu samayn doono shakhsiyaadka wata magaca reer SSC-khaatumo ee uu suuqa ka qortay si uu doorashada ugu galo.

Maalinta Berito oo Axad ah ayaa waxaa la filayaa in lagu dhawaaqo liiska 66-da Xildhibaan oo ay ku jiraan kuwa reer SSC iyada oo aan wax heshiis ah laga gaarin xiisadda ka taagan arrintaasi.