AKHRISO:- Hogaanka SSC Khaatuma oo ku baaqay dagaal ka dhan ah Soomaaliland

0

Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo oo uu weheliyo Hoggaamiye Ku xigeenka Maamulka ayaa shir guddoomiyey kulan aan caadi ahayn oo ay yeesheen Golaha Fulinta Maamulkaas.

Kulanka ayaa diirradda lagu saaray xoojinta amniga gudaha iyo adkaynta difaaca. Degaannada iyo degmooyinka uu ka kooban yahay Maamulka SSC Khaatuma ee Gobolada Sool, Sanaag iyo Ceyn.

Sidoo kale, kulanka ayaa si weyn loogu falanqeeyey Kacdoonkii Buluugga ahaa ee kal hore ka curtay Caasimadda gobolka Sool ee Laascaanood. Kacdoon kaas oo dhaliyey nabadda iyo xasilloonida ah maanta shacabka reer SSC-KHAATUMO ku naalloonayaan.

Hoggaamiyaha ayaa xusay doorka shariifka ah ee dhalinyarada SSC-Khaatumo ay ku lahaayeen halganka, iyagoo ahaa ciddii 1aad ee ka dhiidhiday dulmigii deegaanka ay ku hayeen Soomaliland, sida lagu sheegay War kasoo baxay Maamulka SSC Khaatuma.

Dhanka kale, Golaha ayaa si wadajir ah ugu tacsiyeey uguna duceeyey dhammaan Dadkii ku dhintay dagaalkii Ciidamada Maamulka SSC ay degaannada Gobolka Sool kula galeen Maamulka Somaliland.

Ugu danbayn, Hoggaamiyaha ayaa ugu baaqay shacabka SSC-Khaatumo in ay sanad kaddib markale hirgeliyaan halgan ku wajahan dawlad-dhiska iyo horumarinta kaabayaasha nolosha.