AKHRISO:- Ciidamo la dagaalamaya Al-Shabaab oo la soo bandhigay iyo Cali jeyte oo la hadlay

0

Ergayga Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan arrimaha Macawisleyda Cali Jeyte Cismaan ayaa Magaalada Halgan ee gobolka Hiiraan kula hadlay boqolaal Macawiisley ah kuwaas oo loo diyaariyey inay qeyb ka noqdaan la dagaalanka Al-Shabaab oo weli ku sugan degaanno ka tirsan gobolka Hiiraan.

Cali Jeyte ayaa la dardaarmay macawiisleyda uu la hadlay inay u diyaar garoobaan howlgalka sifeynta Al-Shabaab, isla markaana laga doonayo reer Hiiraan in ay u midoobaan in gobolkaas uu xor ka noqdo Al-Shabaab.

Howlgal dhawaan ciidanka xoogga dalka iyo saaxiibada caalamku ka sameeyeen duleedka Halgan ayaa lagu dilay in ka Badan 60 Al-Shabaab ah, kuwaas oo xogtooda la helay iyaga oo isku aruursanaya degaan hoos taga Magaaladaas.

Gobolka Hiiraan waxaa uu kamid yahay goboladii ugu horreeyay ee laga billaabay howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, isla markaana Ciidamada degaanka ee Macawiisleyda ay degaano dhowr ah kula wareegeen howlgalladaas.