AKHRISO:- Guddoomiyaha Guddiga Garsoorka ee Golaha Shacabka oo booqday xarunta Gobalka Minnesota

0

Guddoomiyaha Guddiga Garsoorka, Caddaalada iyo Diinta ee Gollaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Cali Xaaji Daahir oo howlo shaqo u jooga dalka Mareykanka ayaa booqday xarunta looga arrimiyo Gobolka Minnesota,

Guddoomiyaha Guddiga Garsoorka ayaa waxaa halkaasi ku soo dhaweeyay Xildhibaan Samakab Xuseen oo ka mid ah Xildhibaannada Gobolka Minnesota., isagoo warbixin ka siiyay hanaanka ay u shaqeeyaan iyo qorsheyaasha hor-tebinta u leh.

Xildhibaan Cali Xaaji Daahir ayaa ka mahadceliyey soo dhaweynta loo sameeyey.