AKHRISO:- Maxkamad xukun xabsi ku ridday gabadha Saddam Xuseen

0

Maxkamad ku taalla magaalada Baqdaad ayaa Axaddii iyada oo maqan toddoba sano oo xarig ah ku xukuntay gabadha dibad-jooga ah ee uu dhalay kaligii-taliyihii hore ee Ciraaq Saddam Xuseen, sababo la xiriira inay “buun-buunisay” xisbiga Bacath ee aabaheed.

Xisbiga ayaa la kala diray oo la mamnuucay kadib markii Sadaam xukunka looga tuuray 2003-dii duullaankii uu Maraykanku hogaaminayey ee lagu qaaday Ciraaq.

Sida ku cad xukunka, oo wakaaladda wararka ee AFP ay u suurta-gashay in ay dib u eegto, Raghad Saddam Xuseen ayaa lagu helay dambiga ah “sare u qaadidda dhaq-dhaqaaqyada xisbiga Bacath ee la mamnuucay,” intii lagu guda jiray waraysiyo taleefishin oo ay bixisay 2021-kii.

Dalka Ciraaq maanta, qof kasta oo soo bandhiga sawirro ama halku dhigyo uu ku xayeysiinaayo maamulkii la riday, waxaa lagu soo oogi karaa dacwad.