AKHRISO:- Madaxweynaha Pakistan oo la been abuuray saxeexiisa

0

Madaxweynaha dalka Pakistan Arif Alvi ayaa Axaddii sheegay inuu diiday inuu saxeexo laba hindise sharciyeed oo ay soo ansixiyeen baarlamaanka dalkaas, kuwaas oo la sheegay inay kor u qaadayaan awoodda dacwado loogu soo oogi karo, dadka loo arko inay ka soo horjeedaan milateriga dalkaas iyo weliba arrimaha dhinaca amniga qaranka.

Madaxweynaha Pakistan ayaa bartiisa X, ee hore loogu yaqaanay Twitter ku soo qoray “Ilaaahay ayaa markhaati iiga ah, ma saxeein [sharciyadan] kala ah, wax-ka bedelka sharciga sirta qaranka iyo wax ka bedelka sharciga ciidamada Pakistan, maadaama aanan taageersanayn sharciyadan” ayuu yidhi.

Baarlamaanka dalka Pakistan ayaa ansixiyey sharciyadan su’aasha la geliyey, ka hor intii aan la kala dirin bishan August 9-keedii, ka dib markii uu dhamaaday muddo xileedkoodii. Sharciyadan ayaa u baahan saxeexa madaxweynaha si ay dhaqan gal u noqdaan.