AKHRISO:- Guddoomiye Waaxeed Caawa lagu dilay Muqdisho

0

Waxaa xaafada Soonakey ee degmada Hodan Caawa lagu dilay guddoomiyihii waaxda Daadsaney ee degmada Dayniile Cabdullaahi Yariisow.

Guddoomiyaha ayaa la dilay xilli uu kasoo baxay masaajid uu salaada cishaha kusoo dukaday oo kuyaalla agagaarka gurigiisa.

Cabdullahi Yariisow Allaha u naxariistee ayaa noqonaya guddoomiyihii saddexaad ee Waaxda Daadsaney ee la dilo.