AKHRISO:- Doomo siday ku dhawaad 100 tahriibayaal ah oo ku degay Jasiiradda Lampedusa

0

Ciidamada Ilaalada xeebaha dalka Talyaaniga ayaa sheegay in ay heleen meydka haweeney Afrikaan ah iyo canugeeda kadib markii labo doonyood oo ay la socdeen sagaashan qof oo tahriibayaal ah ay ku degeen jasiiradda Lampedusa.

57 qof ayaa la soo badbaadiyay balse in ka badan sodon kale ayaa la la’yahay.

Dad ka badbaaday shilkan ayaa warbaahinta Talyaaniga u sheegay in doonyahaasi ay ka soo ambabaxeen dekedda Sfax ee dalka Tunisia.

In ka badan laba kun oo muhaajiriin ah ayaa gaaray Lampedusa dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay.