AKHRISO:- Golaha Wasiirada Soomaaliya oo cambaareeyay qarixii Kuliyadda Jaalle Siyaad

0

Shirka Toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo uu guddoominayey Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Caddaaladda iyo Dastuurka, Xasan Macallim Maxamuud ayaa looga hadley xaaladda amniga dalka, Isla markaana lagu ansixiyey hindise sharciyeedyo muhiim u ah dalka.

Golaha Wasiirada ayaa dhegeytey warbixino ku saabsan guulaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ka soo hoyeen dagaalka lagula jiro Ururka Al-Shabaab iyo howlgallada ka socda Gobolada dalka.

Golaha ayaa sidoo kale cambaareeyay weerarkii fuleynimada Al-Shabaab ay ku beegsadeen Kuliyadda Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ee Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho, kaas oo askar badan ay ku dhinteen, iyada oo Goluhu tacsi u diray umadda Soomaaliyeed, qoysaskii iyo eheladii ay ka geeriyoodeen Ciidanka xoogga Dalka ee ku dhintay weerarkaasi, iyagoo isla markaana Allah uga baryey inta dhaawacantey inuu Ilaahay deg-deg u caafiyo.

Golaha ayaa sidoo kale

meel-mariyey Hindise Sharciyeedyada kala ah;

Hindise Sharciyeedka Xuquuqda Naafada Soomaaliyeed.
Hindise Sharciyeedka Hay’adda Adeegga Baaritaanka iyo Sharciyeeynta Beeraha Soomaaliyeed.
Hindise Sharciyeedka Xakameynta Kiimikooyinka Beeraha Soomaaliyeed.
Hindise Sharciyeedka Abuurka iyo Noocyada Dhir-beereedka.
Hindise Sharciyeedka Badbaadada Dhir-beereedka iyo Takoorka
Iyo Xeer Nidaamiyaha Cunaqabateynta Maaliyadeed ee Cayiman.