AKHRISO:- Maamulka Hir-Shabeelle oo billaabay dhex-dhexaadinta Beelaha ku dagaalamay Shabeellaha Dhexe

0

Guddiga dhexdhexaadinta ka wada deegaanada colaada ka jirta ee u dhaxeeyso degmooyinka Cadale iyo raagaceele ayaa maanta si gaar gaar ah ula kulmay odayaasha dhaqanka ee 2 da degmo.

Guddigaan ee uu madax weynaha Hirshebelle u xil saaray xalinta xasarada ka Jirta deegaanadaas ayaa maanta booqday degmooyinka Cadale iyo raagaceele waxeeyna ugu horeyn ugu baaqeen beelaha ineey xabad joojin sameeyaan gogol nabadeed isugu yimaadaan si xal waara looga gaaro .

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose Hirshabeelle Abdi Dahir Gure Karoore ayaa sheegay in ay dadaalo kawadaan Heshiisiinta Bulshada walaalaha ah ee ay khilaafyada yar yari ku dhex marayaan dhuldaaqsimeedka ay wada dagaaan.