AKHRISO:- Kulamada Golaha Shacabka oo la hakiyay

0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya MSheikh Adan Mohamed Nur Madobe ayaa shir guddoomiyay kulanka 23-aad ee Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka.

Kulanka ayaa ajendihiisu ahaa hakinta fadhiga golaha inta lagu guda jiro gudashada acmaasha Xajka iyo fasaxa Ciidda iyo ajandeynta warbixinnada la xisaabtanka Xukuumadda.

Kulanka ayaa inta uu socday waxaa lagu go’doomiyay in la hakiyo fadhiga Golaha laga bilaabo maalinta Sabtida ah oo ku beegan 17-Juun 2023-ka, isla-markaana dib loo furi doono 5-ta Bisha Luuliyo ee sanadkan.

Kulanka ayaa soo kale looga hadlay in Xukuumadda Federaalka ay soo gudbiso xisaab xirka miisaaniyadda ugu dambeyn 30-ka Juun, si waafaqsan Qodobka 102aad Faqradda 1aad ee Xeer Hoosaadka Golaha Shacabka BJFS.