AKHRISO:- Heshiis horudhac ah oo laga gaaray beello ku dagaalamay degaano katirsan Gobolka Mudug

0

Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland Feysal Sheekh Cali iyo Gudoomiyaha Gobolka Mudug ee Galmudug Cabdinasir Cabdulqaadir Cabdulle oo safar Nabadeed ku jooga Degmada Towfiiq ayaa kulan la qaatay qaar kamida Isimada, Nabadoonada iyo waxgaradka Degmada.

Kulanka ayaa looga hadlay dhacdo Dagaal oo dhex martay laba Beelood oo walaalkaa ee kala dega Degmada Towfiiq iyo degaanka Af-Barwaaqo.

Kulan ka oo saacado socday ayaa Nabadoonnada iyo Waxgaradka degaanka masuuliyiintu u soo jeediyeen saddex qodob oo bilow u ah Nabadeynta dhacdadii labada Beelood ayaa kala ah.

1- in la aqbalo Xabad joojin bilaa shuruuda lagana dhowrsanaado wax kasta oo wax yeeli kara Nabadaynta.

2- in garawshiyo iyo tanaasul laga bixiyo dhamaan dhacdooyinkii dhawaan dhacay ee labada Beelood dhexmaray.

3- in masuuliyiinta Gobolka lagu wareejiyo dhamaan qoryihii iyo waxii kale ee dhinaca kale lagu kala furtay intii dagaalku socday.

Nabadoonada iyo waxgaradka Degmada Towfiiq oo madasha ka hadlay ayaa aqbalay dhamaan qodobadii loo soo jeediyey intii kulan ku socday iyagoona diyaar u ah inay fuliyaan.