AKHRISO:- Maxkamad xukuntan in Millateriga loo gacangeliyo taageerayaasha Imran Khan ee xiran

0

Maxkamad la saaro dadka loo haysto falalka argagixisada oo ku taalladalka Pakistan ayaa ciidamada milateriga ku wareejisay 16 ka mid ah taageerayaasha ra’iisal wasaarihii horee Pakistan Imran Khan, si loo saaro maxkamad milateri, iyada oo loo haysto doorkii ay ku lahaayeen mudaharaadadii rabshadaha watay ee ka dhacay dalkaas, ka dib markii la xiray Imran Khan.

Maxkamaddan oo ku taalla bariga magaalada Lahore ayaa sheegtay in eedaha loo haysto ay u baahan yihiin inay baaro maxkamadda milaterigu, iyada oo ku amartay ciidamada asluubta ee maamulayey xabsiga lagu hayo masuuliyiintan, inay ku wareejiso saraakiisha milateriga ee ay khusayso.

16-ka qof ee la tuhunsan yahay waxaa ku jira xildhibaan hore oo ka tirsan xisbiga PTI oo ah xisbiga ugu weyn dalkaas.

Imran Khan ayaa dhaleeceeyey go’aanka taageerayaashiisa lagu saarayo maxkamadda milateri, isaga oo sheegay in weerar lagu soo qaaday xisbigooda, taas oo looga dan leeyahay in lagu burburiyo.

Wuxuu sheegay in la xirxiray in ka badan 10,000 oo shaqaalaha xisbiga ah, oo ay ku jiraan hoggaankii sare, halkaas oo qaarkood ay jir-dil la kulmeen.