AKHRISO:- Dagaal ka dhacay Magaalada Beledweyne iyo khasaaro ka dhashay

0

Dagaalka oo u dhaxeeyay laba maleeshiyo Beeleed ayaa Maanta waxaa uu ka dhacay xaafadda Buundoweyn oo katirsan Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Labada Maleeshiyo Beeleed ayaa isku heysto dhul kuyaalla xaafadaas oo horay u xukuntay Maxkamadda Madaniga ee Gobolka Hiiraan, waxaana dagaalka inta la xaqiijiyay ku dhintay hal Ruux, halka Saddex kale ay ku dhaawacmeen.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in xiisad ay weli ka taagan Goobihii lagu dagaalamay oo u dhow Suuqa Khudaarta ee Magaalada Beledweyne, iyada oo weli laamaha Amniga iyo Maamulka degmada Beledweyne ka hadlin.

Wararka aan sidoo kale Magaalada Beledweyne ka heleyno ayaa waxaa ay sheegayaan in saacadaha soo socda ay ku bixi doonaan dhinacyada dagaalamay ciidamada Booliska Magaalada si ay u kala qaadaan.