AKHRISO:- Dowladda Soomaaliya oo dowladda Canada kala hadashay kordhinta taageerada dhaqaale

0

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Cilmi Maxamed Nuur oo ka qeyb galaya shirka sanad laha ah ee Bangiga Horumarinta Afrika oo ka socda Magaalada Sharma Shiikh ee Dalka Masar ayaa halkaasi ka wada kulamo kala duwan.

Wasiirka ayaa kulan doceed la qaatay Wasiirka Horumarinta Caalamiga ee Dowladda Canada Mr. Harjit Sajjan iyo masuuliyiintii la socotay, iyaga oo ka wada hadlay arrimo dhowr ah oo ku saabsan xaaladda labada dal.

Kulanka ayaa waxaa diiradda lagu saaray Hannaanka Isbadalka dib-u-habeynta Maaliyadda iyo dhameystirka arrimaha deyn-cafinta. Sidoo kale waxaa looga hadlay taageerada ay dowladda Canada ka geysan karto saameynta dhaqaale ee isbadalka cimilada oo saameyn xoogan ku yeeshay Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Cilmi Maxamed Nuur ayaa waxaa la filayaa in uu khudbad ka jeediyo shirka sanad laha ah ee Bangiga Horumarinta Afrika oo ka socda Magaalada Sharma Shiikh ee Dalka Masar.