AKHRISO:- Kooxaha iskuhaya Sudaan oo ku heshiiyay xabad joojin

0

Cidamada Suudan iyo kuwa RSF ayaa ku heshiiyay xabbad joojin ku meel gaar ah oo laga sameeyo Suudaan, iyadoo dagaalka u dhexeeya labadan kooxood uu galay todobaadkii lixaad.

Isku daygii hore ee xabbad joojinta ee dhex maray ciidamada caadiga ah ee Suudaan iyo xoogaga Taakulaynta degdega ah (RSF) ayaa horay u guuldareystay.

Laakiin heshiiska cusub waxaa lagu dhaqan gelin doonaa “habka la socodka xabbad joojinta,” sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay Mareykanka iyo Sacuudiga.

Mas’uuliyiinta Suudaan waxay isku raaceen in dib loo soo celiyo adeegyadii muhiimka ahaa Mudadad 7 maalmood ah ee ay xabad joojinta socoto.