AKHRISO:- Jubbaland oo Shir ka yeelatay howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab

0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta shir gudoomiyay Kulanka golaha wasiirada oo lagaga hadlay qodobo kala duwan.

Kulanka ayaa lagaga hadlay Xaalada amniga guud iyo dagaalada dib u xoraynta ee ka socda Inta badan deegaanada Jubaland kuwaas oo ay wadaan Ciidamada Jubaland iyo Kuwa xooga dalka isla markana saacadahii lasoo dhaafay lagu dilay in ka badan 23 katirsan Al-Shabaab, Sidoo kalana lagaga furtay hub kala duwan.

Golaha ayaa bogaadiyay howlgallada socda iyagoo ugu baaqay shacabka ree Jubaland inay garab istaagan Ciidamada qalabka Sida ee dagaalka kula jira Al-Shabaab.

Dhinaca kale Waxaa golahu uu akhrintii koobaad marsiiyay sharciga lagu dhisayo Hay’ada wadooyinka Jubbaland kaas oo ay soo gudbisay Wasaarada howlaha guud iyo guriyaynta isla markaana dhawaan Baarlamaanka loo gudbin doono.

Ugu danbayntii Wasaarada Maaliyada iyo hormarinta dhaqaalaha ayaa soo bandhigtay qorshaha kor u qaadista dhakhliga guud iyo hormarinta Canshuuraha taas oo wax badan ka tari doonta dhaqaalaha guud ee Jubaland.