AKHRISO:- Guddoonka Aqalka Sare oo soo saaray qoraal uu ku xiray Kal-fadhiga 2aad ee Golaha

0

Guddoonka Golaha Aqalka Sare ayaa qoraal uu soo saaray ku shaaciyay in uu Maanta soo xirmay Kalfadhiga labaad Aqalka Sare, kaas oo furmay 1-kii Bishii November ee sanadkii 2022.

Qoraalka oo uu ku saxiixan yahay Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Aqalka Sare Cali Shacbaan ayaa lagu sheegay in kal-fadhiga 3aad ee Aqalka Sare uu furmi doono 20-ka Bisha May ee soo socota.