AKHRISO:- Weerar qarax ku billaawday oo ka dhacay Gobolka Gedo & faah faahin laga helayo

0

Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan weerar qarax ku billaawday oo Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab ay ku qaadeen Xero kutaalla duleedka degmada Baardheere ee Gobolka Gedo, waxaana ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxa ayaa marka hore lagu burburiyay darbiga Xerada, waxana xigay dagaal toos ah oo dhexmaray Ciidamada ilaalada Xerada iyo dagaalamayaal ka tirsan Ururka Al-Shabaab.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in Saldhigga la weeraray ay ku sugnayeen ciidamo kasoo jeeda deegaanka oo halkaasi lagu tababarayay, si ay uga mid noqdaan ciidamo loo diyaarinaayo la dagaalanka Al-Shabaab, kuwaas oo tababarkooda ay Jubbaland walaac ka muujisay.

Weerarka qaraxa ah iyo dagaalka tooska ah ayaa la xaqiijiyay iney ku dhinteen ilaa 5 ruux oo isugu jira tababarayaal iyo askar ku sugneyd Saldhiga la weeraray, waxaana magaalada Baardheere wali laga dareemaya xaalad ka dhalatay weerarka.

Goobjoogayaal ku sugan degmada Baardheere ayaa sheegay in intii uu dagaalka socday ay ku biireen Ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka ATMIS, kuwaas oo saldhig ku leh agagaarka xerada Al-shabaab weerarka ku qaaday, hayeeshee xaaladda haatan ay tahay mid degan.

Laamaha Amniga degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaan weli ka hadlin weerarkaas, hayeeshee wuxuu kusoo aadayaa xilli dhawaan weerar ismiidaamin ahaa oo lagu qaaday Guriga Martida ee degmada Baardheere uu ku dhaawac guddoomiyaha Gobolka Gedo.