AKHRISO:- Mareykanka oo Ruushka ku eedeeyay inuu ka buburiyay diyaarad drone ah

0

Milateriga Maraykanka ayaa sheegay in diyaarad dagaal oo Ruushku leeyahay ay Talaadadii Badda Madow ku buburisay mid ka mid ah diyaaradahooda wax basaasa ee nooca drones-ka,, waana markii ugu horreysay oo ay si toos ah u iskaga horyimaadaan labada quwadood tan iyo duullaanka Ruushkaha ee Ukraine sannad kahor.

Wasaaradda difaaca Ruushka ayaase beenisay hadalka Mareykanka, iyada oo safiirka Moscow ee Washington uu sheegay in dalkiisu uu u arkayay hadalka Mareykanka mid daandaansi ah.

Laba diyaaradood oo noocoodu yahay Su-27 oo Ruushku leeyahay ayaa fuliyay waxa ay milatariga Maraykanku ku tilmaameen fal-dambiyeed aan ka fiirsasho lahayn oo ay u geysteen diyaarad aan duuliye lahayn oo Maraykanku leeyahay, xilli ay ku duuleysay hawada caalamiga ah.

Mareykanku waxa uu sheegtay in diyaaradaha dagaalka Ruushku ay shidaalka ku daadiyeen diyaaradda MQ-9 – lagana yaabo in ay isku dayeen inay ka dhigaan mid aan waxb arki karin ama ay waxyeeleeyaan.

Mareykanka ayaa si joogto ah gobolka uga sameeya duullimaadyo ilaalo ah, waxaana uu Ukraine ku taageeray balaayiin doolar oo gargaar milatari ah, inkasta oo Mareykanku aanu si toos ah uga qeyb qaadan dagaalka.