AKHRISO:- Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray dalka Ereteriya

0

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud & Wafdi uu hoggaaminayo ayaa Caawa gaaray magaalada Asmara ee dalka Eritrea, halkaas oo siweyn loogu soo dhaweeyay, isla markaana uga bilaabatay booqasho labo cisho ah.

Wafdiga Madaxweynaha waxaa garoonka diyaaradaha Magaalada Asmara kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki, iyada oo intaas kaidb la geeyay Xarunta Madaxtooyada Ereteriya ee Magaalada Asmara.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa Ereteriya Isaias Afwerki ayaa ka wada hadli doonaxoojinta xiriirka labada dal, arrimaha gobolka, waxaana booqashadaan ay noqoneysaa markii Saddexaad ee uu Madaxwyene Xasan Sheekh ku tago dalkaas tan iyo markii la doortay.

Dalka Ereteriya ayaa waxaa hadda ku sugan oo tababar uu uga socdaa Ciidamo katirsan dowladda, kuwaas oo la qoray markii uu xilka qabtay Madaxweyne Xasan Sheekh, waxaana xusid mudan in dalka dib loogu soo celiyay Ciidamadii tababarka loogu qaaday dalkaasi Ereteriya xilligii dolwaddii Farmaajo.