AKHRISO:- Cudurka daacuun caloolaha oo ka dillaacay 14 dal oo Afrikaan ah

0

Hey’adda Caafimaadka AdDuunka ayaa ugu baaqday Afrika in ay kordhiso dagaalka ay kula jirto xanuunka daacuun caloolaha, kaasi oo sanadkii la soo dhaafay 12 waddan oo qaaradda ah ku dilay in ka badan 3 kun oo qof.

In ka badan kala bar dadkani waxa ay ku dhinteen waddanka Malaawi oo daacuun calooluhu uu ka dillaacay.

Hay’addan adduunka u qaabilsan arrimaha caafimaadka iyo xarunta la socodka iyo maareeynta cudurrada ee Afrika ayaa kullan deg deg ah oo laba maalmood socday ku yeeshay todobaadkan dalka Malaawi, kullankaasi waxaa ka qeyb galay wasiirro ka socday 14 dal oo Afrikaan ah.