AKHRISO:- Howlgal isbaaro qaadis ah oo laga sameeyay Shabeellaha Dhexe

0

Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Dhexe ahna Duqa Magaalada Jowhar Axmed Meyre Makaraan oo ay wehliyaan Taliyaha Ciidamada Booliiska Hirshabelle korneel Xasan Dhicisow iyo Taliyaha Ururka 12aad qeybta 27aad ee Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed korneyl Cali Xuubeey ayaa sameeyey Howgallo looga sifeynayo jidgooyoyin ay dhigteen maleeshiyaad wadada isku xerta Muqdisho iyo Cadalle

Howggalka lagu qaadayo isbaarada wadadaasi ayaa sidoo kale waxaa qeyb ka ahaa Gudoomiye kuxigeenka maaliyada Gobolka Shabellaha Dhexe Muuse Shitaawe iyo Korneel Mukhtaar Alaalax oo kamid ah saraakiisha booliiska Hirshabelle

Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Dhexe ahna Duqa Magaalada ayaa sheegay in aan markale la aqbali doonin in dhac iyo baad loo geesto gaadiidleyda ku safarta wadada marta Degmooyinka Warsheikh Ragacelle Cadalle iyo Guud ahaan Gobolka Shabellaha Dhexe oo ay inta badan shacabka ka muujiyeen cabasho sidoo kale waxa uu gaadiidleyda ugu baaqay in aysan bixin karin lacago baad hadii ay la kulmaana la soo xariiraan Maamulka si wax looga qabto

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in sharciga lala tiigsan doono cid alaala cidii lagu soo qabto iyadoo dhiganeyso Isbaaro shacabkana ka qaadeysa lacago baad iyadoo la fulinayo Amarka Madaxweynaha Qaranka iyo kan Hirshabelle

Sidoo kale Maamulka ayaa xusay in goobaha laga qaaday jidgooyada ka howlgali doonan ciidamo isku dhaf ah oo xaqiijinaya badqabka gadiidka safarleyda ee isticmaala wadadaan.