AKHRISO:- Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhigiisa Imaaraadka Carabta

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya , Xasan Sheekh Maxamuud oo haatan booqasho ku jooga caasimadda dalka Imaaraadka ee Abu Dhabi waxa uu la kulmay dhigiisa dalkaasi, Sheikh Mohamed Bin Zayed Al Nahyaan.

Labada Madaxweyne waxay ka wada hadleen Xiriirka labada Waddan, Horumarinta dhinacyada kala duwan ee Iskaashiga Khaaska, Dadaalka Dhaqaalaha, Nabadda iyo Deganaanshaha dalka Soomaaliya.

Madaxweyne Al Nahyan waxa uu dhigiisa JFS ku qaabilay Carwada iyo Shirweynaha Difaaca Caalamiga ee INDEX 2022 oo haatan ka socota Xarunta Abu Dhabi ee Carwooyinka ee (Abu Dhabi National Exhibition Centre (ADNIK).

Dhanka kale, Madaxweynaha Imaaraadka Carabta, Sheikh Mohamed Bin Zayed Al Nahyaan waxa uu ballan qaaday inay Somalia ka taageeri doonaan wax kasta oo ay dani ugu jirto Shacabka Soomaaliyeed si ay u gaaraan Hankooda ku aadan Nabadda, Horumarka iyo Barwaaqada.

Dhanka kale, Inta uu Madaxweyne Xasan Sheekh booqanayo dalka Imaaraadka Carabta waxa uu ka qeyb geli doonaa Daawashada Carwada Caalamiga ee Milliteriga ee INDEX and NAVDEX 2023 oo ka socota magaalladda Abu Dhabi.