AKHRISO:- RW Xamse & Guddoomiye Madaale oo ka wada hadlay Amniga Caasimadda

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre oo uu wehliyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa guddoomiyay kulan looga hadlayey amniga guud ee Caasimadda, Xoojinta dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo Wada-shaqeynta Maamulada Degmooyinka, Hey’addaha Amniga iyo Bulshada Caasimada.

Kulanka ayaa warbixinno ku saabsan amniga Caasimadda iyo Dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee Bulshada Caasimada looga dhageystay guddoomiyeyaasha degmooyinka iyo taliyeyaasha amniga, iyadoona uu Ra’iisul Wasaare Xamse ku adkeeyey in laga feejignaado weerarada Al-Shabaab maadaama dalku uu ku jiro xaalad dagaal.

Shirkan waxaa ka qeyb galay Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka, Guddoomiye ku-xigeennada Maamulka Gobolka Banaadir, Xoghayaha Guud, Taliska Ciidanka Ilaalinta Deegaanka Xamar, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Taliyeyaasha Qeybta Guud ee Booliska, Nabadsugida, Guddoomiyeyaasha Degmooyinka iyo Deegaanada Gobolka Banaadir, Saraakiisha Qeybaha, Ururka Haweenka, Agaasimeyaal iyo La-taliyeyaal ka tirsan labada Xafiis.