AKHRISO:- Booliska oo markale gacanta ku dhigay rag ku eedeysan Burcadnimo

0

Ciidanka Booliska Saldhigga Deegaanka Garasbaaley oo Hoos yimaada Taliska Qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir ayaa markale qabtay koox burcad hubaysan ah, kuwaas Mindiyo ku dhacayay dad shacab ah.

Ciidanka ayaa labadaan nin ka qabtay Waxaada 1-aad ee Deegaanka Garasbaaley, waxaana lagu qabtay ilaa dhowr Taleefan oo ay ka dhaceen dad shacab ah, waxaana haatan lagu soo xiray Saldhigga Deegaanka.

Burcadda hubeysan waxa ay kamid yihiin kuwa lidiga ku ah Ammniga Bulshada iyo badqab-kooda, Hadaba Fadlan Muwaadin la shaqeey ciidanka Booliska.