AKHRISO:- Howlgallo ka socda degaano ka kala tirsan Gobolada Hiiraan & Mudug

0

Howlgalkan oo ah mid ka dhan ah Al-Shabaaab ayna iska kaashanayaan ciidamada dowlada iyo kuwa deegaanka ayaa ka socda deegaano hoostaga degmooyinka Xarardheere iyo Beledweyne ee gobalada Mudug iyo Hiiraan.

Ciidamada ayaa saacadihii ugu dambeeyay waday dhaqdhaqaaqyo xoogan oo ay ku doonayaan inay kula wareegaan deegaano hoostaga degmada Xarardheere waxaana deegaanada ay howlgaladu ka socdaan maalin ka hor ka dhacay dagaal u dhaxeeyay ciidamada dowlada gaar ahaan Gorgor iyo Danab, Kuwa PSF, darawiishta Galmudug iyo kuwa deegaanka oo isku dhinac ah iyo Al-Shabaaab.

Waxaana deegaanada ay ciidamadu Howlgalada ka wadaan ka mida deeganka Jowla, Beer Faarax, Tuulada Deegaan iyo deegaana kale oo hoostaga degmada Xarardheere, waxaana saraakiisha ciidamada horboodaya ay sheegeen inay doonayaan inay la wareegaan deegaannada Al-Shabaaab ay gacanta ku haayaaan ee ka tirsan gobalka Mudug.

Sidoo kale dhanka gobalka Hiiraan waxaa saaka ka socda dhaqdhaqaaqyo xoogan oo ay wadaan ciidamada dowlada iyo kuwa dib uxoreynta gobalka Hiiraan waxaana waxayna si gaar ah ay howlgalada uga wadaan deegaanka beerxaano ee duleedka magaalada Beledweyne.