AKHRISO:- Faah faahin kasoo baxeysa dagaal ka dhacay duleedka Magaalada Kismaayo

0

Dagaalka oo geystay khasaaro kala duwan ayaa waxaa saacadihii la soo dhaafay uu degaanka Singaleyr ee duleedka magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose uu ku dhexmaray Ciidamada dowlad Goboleedka Jubbaland iyo Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii Xubno katirsan Al-Shabaab ay weerareen Saldhiga Ciidamada jubbaland ku leyihiin degaanka Singaleyr, halkaas oo laga ilaaliyo Magaalada Kismaayo,waxaana dagaalka oo socday in ka badan saacada ka dhashay khasaaro u badan dhaawacyo.

Sarkaal katirsan Ciidamada Jubbaland ayaa sheegay in ay iska difaaceen werarka kaga yimid Al-Shabaab, waxaana wararka aan helnay ay sheegayaan in dagaalka ay ku dhaawacmeen Taliyihii Ciidamada Jubbaland ee Saldhigyada Singaleyr iyo Buundada Wirkoy ee Gobolka Jubbada Hoose iyo laba askari oo kale.

Dhowr jeer ayay Al-Shabaab weerareen Saldhigyada Ciidamada Jubbaand ku leeyihiin degaannada hoostaga magaalada Kismaayo, waxaana sidoo kale jirtay in maalmihii la soo dhaafay ay howlgallo siwadajir a u fulinayeen Ciidamada Kumaandooska DANAB iyo kuwa Daraawiishta Jubaland.

Degaannada Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa waxaa uu kamid yahay degaannada dowladda Soomaaliya ay qorsheysay in dhawaan laga bilaabo howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab, sigaar ah Gobolka Jubbada Dhexe oo dhammaantiis ay maamulaan Al-Shabaab.