AKHRISO:- Duqeymo ka dhacay duleedka Xarardheere & Ciidamada oo degaano cusub la wareegay

0

Diyaarado dagaal ayaa Maanta duqeymo xoogan waxaa ay ka geysteen degaano hoostaga magaalada Xarardheere ee Gobolka Mudug, halkaas oo dhawaan ay la wareegeen Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya dadka degaanka ee hubka qaatay.

Duqeymaha ayaa Saraakiil Ciidan waxaa ay sheegeen in lala beegsaday Saldhigyo ay Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab ku lahaayeen degaannada Caad iyo Ceel-cabdi, waxaana Saraakiisha Ciidamada ay sheegeen in goobaha la duqeeyay ay isku aruursanayeen Al-Shabaab.

Sidoo kale wararka la helay ayaa sheegaya in ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ay gudaha u galey deegaanada Caad iyo Ceel-cabdi oo ay dhowr jaho kaga yimaadeen, guushan ayaa timid xili uu in ka badan todobaad Xarardheere ku sugan yahay madaxwayne Galmudug QoorQoor.

Wararkii ugu dambeeyay ee na soo gaaray ayaa sheegaya in Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa degaanka ay weli wadaan howlgallo kala duwan oo ka dhan ah Al-Shabaab.