AKHRISO:- Laamaha Amniga Puntland oo baadi goobaya Nin dil geystay

0

Taliska Ciidanka Booliska Puntland ee Gobolka Mudug ayaa soo bandhigay Magaca iyo Sawirka Nin ku eedeysan dilka laba qof oo mas’uuliyiin ahaa, kuwaas oo Maalmo ka hor lagu dilay degmada Bursalax ee Gobolka Mudug.

War kasoo baxay Taliska Ciidanka Booliska Puntland ayaa waxaa lagu sheegay inay raadinayaan nin lagu eedeeyay inuu dil ka geystay Degmadda Bursaalax ee Gobolka Mudug, kaasoo Magaciisa lagu sheegay Bashiir Cumar Cigaal Cilmi ( Ina Cumar Jawaan).

Booliska oo Ninkaan baahiyay sawirkiisa isaga oo hubeysan ayay sheegeen in uu ku lug lahaa dil 15-kii Bishaan degmada Bursaalax ee Gobolka Mudug Puntland loogu geystay Guddoomiyihii hore ee degmada Bursaalax C/raxmaan Shiikh C/laahi iyo Ganacsade Mukhtaar Maxamed Aw Khalaf.