AKHRISO:- Musharixiinta Koonfur Galbeed oo shuruud ku xiray ka qeyb galka Shirka Baydhabo

0

Musharixiinta xilka Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa shuruudo dhowr ah waxaa ay kuxireen ka qeyb galka Shirka dib u heshiisiinta Siyaasiyiinta Koonfur galbeed, kaas oo guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur ( Madoobe) uu iclaamiyay in 5-ta Bisha Janaayo oo ku beegan Maalinta Khamiista ah uu ka furmo Magaalada Baydhabo.

Qoraal ay Musharixiinta u direen Guddoomiyaha Golaha Shaabka ayay uga dalbadeen in la fuliyo Saddex shruudood oo ay kaga qeyb geli karaan shirka dib u heshiisiinta Siyaasiyiinta Koonfur Galbeed, kuwaas oo kala ah.

Marka hore Musharixiinta ayaa kasoo horjeestay guddiga farsamo ee ka koban 7 Xubnood, kuwaas oo uu guddoomiyaha xilsaaray qabsoomida shirka, iyaga oo sheegay in arabka laftaagreen kaliya xibno laga siiyay, isla markaana dhankooda aan lagala tashan.

Sidoo kale waxaa ay sheegeen in aan weli la fulin ballantii aheyd in tallaabo laga qaado saraakiishii ku lugta leheyd weerarkii dhawaan ka dhacay Baydhabo iyo in ciidanka Koofur Galbeed laga saaro guryaha mucaaradka ee magaalada Baydhabo, lana siidaayo Maxaabiista laga heysto.

Waxaa xilligaan jirta cabsi la xiriirta in uu dib uga dhaco waqtigii loo qorsheeyay shirka dib u heshiisiinta Siyaasiyiinta Koonfur Galbeed, hadii aan xal laga gaarin cabashada ay qabaan musharixiinta mucaaradka ah.