AKHRISO:- Ciidamada dowladda oo Al-Shabaab kala wareegay degaano dhowr ah

0

Ciidanka gaarka ah ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka & Booliska Haramcad ayaa si buuxda ula wareegay deegaannada Gandarshe iyo Jilib Marka oo hoostaga Magaalada Marka ee Gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo ay horay ugu sugnaayeen Al-Shabaab.

Howlgallo qorshaysan oo ay sameeyeen ciidanka ammaanka ayaa saraakiisha Ciidamadu sheegeen in Khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac lagu gaarsiiyay Al-Shabaab.

Ciidanka NISA iyo Booliska Haramcad ayaa horay waxay howlgallo ballaaran uga sameeyeen deegaano badan oo ku yaala inta ku dhaxaysa Muqdisho ilaa iyo magaalada Marka, waxaana la saaray Al-Shabaab jidka isku xira labada magaalo