AKHRISO:- Ciidamada dowladda oo kusii siqaya degaano katirsan gobolka Galgaduud

0

Ciidamada dowladda iyo kuwa degaanka ee hubka qaaday oo iskaashaday ayaa kusii siqaya degaano katirsan gobolka Galgaduud oo muddo todobanaan sano ah ay maamulayeen Ururka Al-Shabaab.

Saacadihii la soo dhaafay howlgallo ay siwadajir ah u sameeyeen Ciidamada huwanta ayaa waxaa ay kula wareegeen degaanka Galgcad ee gobolka Galgaduud, halkaas oo siwyen ay ugu xooganayeen Al-Shabaab.

Wararka Risaala ay ka heleyso ayaa sheegaya in Ciidamada ay kusii siqayaan degaano kale oo katirsan gobolka Galgaduud oo ay ku sugan yihiin Al-Shabaab si ay uga saaraan.

Saraakiil katirsan Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa Risaala u sheegay in ujeedkooda uu yahay sidii ay ula wareegi lahaayeen degaannada Masagawaay, Ceeldheer iyo degaannada kale ee Gobolka Galgaduud.